Kenya: 345 qof oo laga helay cudurka corona .

Dowladda dhexe ee dalka ayaa manta sheegtay in 345 qof oo dheerad ah laga helay cudurka corona kadib markii cudurkaasi laag baaray dad tiradoodu ay dhan tahay 6,686.

Heerka faafitaanka cudurka corona ayaa gaaray boqolkiiba 5.2.

Kiisaska cusub ee manta  la helay ayaa 339 waa kenyan halka 6-da kalana ay yihin dad ajnabi ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka .

Bukaanka ugu yar ayaa jiro  labo sano halka bukaanka ugu da’da weyn uu jiro 94 sano .

Wasirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in kiisaska guud ee cudurka corona ay gaareen 160,904.

140 bukaan oo dheeraad ah ayaa ka soo caafimaadeen cudurka corona taasi oo tirada guud ee bukaanada ka  soo boogsadeen COVID 19 ka dhigeysa  109,217 .

Ugu danbeyntii 24 bukaan ayaa uu dhinteen cudurka corona taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 2805.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *