DHAGEYSO: Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo soo dhaweeyay madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Hassan.

Madaxweynaha ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa manta kulan la qaatay madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Hassan oo booqosho labo maalmood soconeysa ee ku joogto dalka .

Kulankani oo la qaatay labo sacadood ayaa waxay labadani madaxweyne ugu hadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihin ganacsiga, iskaashiga gobolka iyo amniga 

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ugu hambalyeeyay madaxweyne Suluhu doorashadii dhawaan loogu doortay xilka guddoomiyaha  Xisbiga Chama Cha Mapinduzi.

Madaxweyne Uhuru kenyatta ayaa sheegay in dowladdiisa ay si buuxda ula shaqeyneyso dowladda Tanzania si xiriirka labada dal loo sii xoojiyo .

Madaxweyne Uhuru kenyatta ayaa sida oo kale sheegay in wasiirrada labada dal ay si joogto ah u kulmi doonaan si loo xaliyo arrimaha carqaladeynaya  xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Kenya iyo Tansaaniya,wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay in la hagaajiyo isku xirka  waddooyinka, tareenka iyo cirka ee labada dal si loo fududeeyo ganacsiga.

 

Dhanka kale madaxweynaha ee dalka  Samia Suluhu Hassan ayaa sheegtay in dalka kenya uu yahay wadanka koowaad oo xiriirka adag oo  dhanka ganacsiga la leh dalka tanzania  islamarkana ay dowladeeda  xoojin doonto maalgashiga ganacsiga gudaha  ay ka sameeyso gudaa dalka Kenya ..

 

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa sida oo kale sheegtay in wasiirrada labada dal ay si joogto ah u kulmi doonaan si xal loogu helo caqabadooyinka cudurka corona oo curyaamiyeen xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dowladood .

 

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa lagu wadaa in maalinta berito ay khudbad uu jeediyo xubnaha labada qal ee barlamaanka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *