Kooxda Arsenal oo dalab ka gudbisay Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Betis Guido Rodriguez.

Kooxda Arsenal ayaa  la soo sheegaya in ay ku dhowdahay inay dhameystirto heshiiska Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Betis Guido Rodriguez.

Xiddiga  Gunners ayaa suuqa u gali doona xoojin khadka dhexe ah iyada oo iska diri doonta xiddiga Amaahda ay ku haysato ee Dani Ceballos dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababare Arsenal Mikel Arteta ayaa la fahamsan yahay inuu calaamadsaday Rodriguez inuu yahay bartilmaameedkiisa ugu horeeya ee uu doonayo in uu ku badalo Ceballos.

Wargayska Estadio Deportivo ayaa sheegaya in ay labada kooxood ee Arsenal iyo Real Betis haatan ku dhawyihiin in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *