Barasabka ismaamulka Kwale Salim Mvurya oo ugu baaqay dhalinyarada in ay nabadda ka shaqeeyaan.

Barasabka ismaamulka Kwale Salim Mvurya ayaa manta baaq xoogan uu dhalinyarada muslimiinta ee ku nool degmooyinka kala duwan ee  ismaamulkaasi .

Barasabka ismaamulka Kwale Salim Mvurya ayaa ugu baaqay dhalinyaradani muslimiinta ah in ay ka soo horjeestaan xagjirnimada diineed islamarkana ay ka shaqeeyaan arrimaha nabadda , diinta  iyo dulqaadnimada. .

Barasabka ismaamulka Kwale Salim Mvurya oo amaanay diinta islaamka ayaa sheegay in ay tahay diin uu tagan nabadda  iyo is dhaxgaalka waxayna ka soo horjeeda arrimaha rabshadaha oo  nabadda wax uu dhimayaan .

Mr Salim Mvurya ayaa xafiiskiisa  kula hadlay warbaahinta kadib markii uu la kulmay Yunus Masoud oo 15 sano jir islamarkana ku soo guuleystay tartanka quraanka kariimka  oo lagu qabtay dalka tanzania .

Mr Salim Mvurya  ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay waalidinta  in ay caruurtooda ay siiyaan tarbiyad wanagsan islamarkana ay si joogto ah ula  socdaan dhaqdhaqaaqooda .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *