Dad badan oo ku dhinteen shil tareen oo ka dhacay dalka Mexico.

Shil tareen oo ka dhacay dalka Mexico  ayaa waxaa ku dhintay 23 qof  halka  in kabadan 70 kalane ay dhawaacmeen   kadib markii ay isku dhaceen labo tariin Caasimada wadanka Mexico ee metro.

Saraakiisha  gurmadka deg deg ayaa  weli ku howlan soo badbaadinta dad kale oo wali lagu la’yahay shiilkaasi.

Duqa magaalada Claudia Sheinbaum  oo goor sii horeysay booqday goobta shilka uu ka dhacay ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka  ku sheegay in wali howl-weenada gurmadka ay wadaan soo daad gureynta iyo caawinta dadka ay waxyeelada kasoo gaareen shilkaas .

Dhanka kale  warbaahinta gudaha wadankaas ayaa soo tabaneyso in shilka uu ka dhacay buunda weyn oo ay maraan tareenada hase ahaate muuqaalada ay ka duubeen ay muujinayaan inay jiraan qasaarooyin intaa ka badan maadaama uu bur bur xooggan uu soo gaaray buundada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *