Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo aqalka madaxtooyada kula kulmay madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa manta soo gaartay dalkani kenya.

Diyaaradda siday madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa goor sii horeysay soo caga dhigatay garoonka caalamiga ah ee Jomo kenyatta halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan dowladda  iyo wasiiradda arrimaha dibadda ee dalka Raychelle Omamo.

Booqashada madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa waxay socon doonta labo maalmood .

Madaxweynaha ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa aqalka madaxtooyada ku soo dhaweeyey madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

Labadani hoggaamiye ayaa waxay yeelan doonaan kulan ballaraan oo ay ugu hadlayaan xiriirka ka dhaxeeyo labada dowladooda .

Dalkani kenya ayaa maalgashi xoogan ku sameeya dalka Tanzania  halkaasi oo badeecooyin badan oo dalka laga soo saaro loo dhoofiyo .

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa  lagu wadaa in ay khudbad ka jeediso barlamaanka ee dalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *