Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaliya oo la kulmay Wafdi ka socda Qatar.

Ra’iisul  Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa  waxaa uu Maanta Magaalada Muqdisho uu  la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Dr. Mutlaq AlQahtani,.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray  Arrimo kala duwan oo ay kamid tahay  arrimaha  siyaasadda dalka soomaliya ,doorashada dalkaasi iyo iskaashiga labada dal, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay fariin qoraal ah oo  ku sheegay in sidoo kale Dr. Mutlaq Al-Qahtani ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.

Ergeyga gaarka ah  ee Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Dr. Mutlaq alQahtani oo todobaadkaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyeyaasha labada Aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *