Xildhibaankii hore ee deegaan barlamaaneedka Matungu Dr. Joseph Wamukoya oo geeriyooday.

Waxaa manta geeriyooday xildhibaankii hore ee deegaan barlamaaneedka Matungu Dr. Joseph Wamukoya .

Dr. Wamukoya oo da’diisu  tahay 79 sano ayaa ku dhintay isbitaalka Bungoma halkaasi oo lagu daweynayey .

Dr. Wamukoya ayaa xildhibaan ka soo noqday deegaan barlamaaneedka Matungu taasi oo laga jaray deegaanka Mumias  intii uu dhaxeysa 1997 ilaa 2002-dii.

Madaxweynihi hore ee dalka  Daniel Moi ayaa bishii June ee sanadkii 2001-dii uu magacaabay Dr. Joseph Wamukoya xilka wasir ku xigeen.

Dr. Joseph Wamukoya  ayaa sanadkii 2002-dii mar kale uu tartamay kursigaasi balse ku guul dareystay  waxaana xilkaasi ka qaaday Dvid Were . 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *