Waaxda sadaasha hawada ee dalka oo war ka soo saartay roobabka ka da’aya qeybo ka mid ah dalka .

Waxaa lagu wadaa in uu si xoogeysto roobabka ka da’aya qeybaha kala duwan ee dalka sida ay sheegtay waaxda sadaasha hawada ee dalka .

Warbixin ay soo saartay waaxda sadaasha hawada ee dalka ayaa lagu sheegay  in daadad xoogan ay cagta marin doonaan degmooyin ka mid ah ismaamulada kala ah  Mombasa, Kwale, Kilifi, Lamu,  Kisii, Nyamira, Kericho, Bomet, Nakuru, Narok, Migori, Nandi, Bungoma, Homa Bay, Kisumu, Siaya  iyo  Kakamega.

Warbixinta ayaa sida oo kale lagu sheegay in ay sara uu sii  kici doonaan heerarka biyaha ee wabiyada iyo biyo xireenada ee harada Lake Victoria,buuraha galbeedka ee dalka  iyo Bartamaha iyo Koonfurta Rift Valley. 

Shacabka ayaa loogu baaqaya in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan oo ay ka fogaadaan goobaha uu nugul daadadka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *