Gerard Pique oo sheegay in kooxdiisa ay ku guuleysan doonto horyaalka la Liga xilli ciyaareedkan.

Laacibka  kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa mar kale sheegay in kooxda Barcelona  ay xilli ciyaareedkani ku gguleysan doonto  horyaalka la Liga xilli ciyaareedkan kadib markii ay guul soo laabasho leh ka gaadheen kooxda Valencia.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta Atletico Madrid sabtida kulan labada kooxood midkood ka hadhi karo tartanka loogu jiro horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga  Pique ayaa carabka lu dhuftay  in ay kooxdiisu u dagaalami doonto horyaalka La Liga waliba maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka lagu kala bixi karo tartanka horyaalka La Liga.

Waxa aan sii wadi doonaa in aan dagaalano ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka”ayuu Pique yidhi.

“Haatan waxa aan diirada saari doonaa in aan garaacno Atletico Madrid kadib waa in aan rajayno in natiijo fiican nooga soo baxdo kulanka Real Madrid iyo Seviila”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *