Kooxda Borussia Dortmund oo iska iibineyso Jadon Sancho.

Wargeyska “Bild” ee dalka Germany ayaa  daboolka ka qaaday  in kooxda Borussia Dortmund ay dalban doonto lacag dhan 100 million euros, si ay u iibiso laacibkeeda reer England ee Jadon Sancho.

Saxafiga lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano ayaa carabka ku dhuftay  in   waxyaabaha ku saabsan wararka la xiriirinaya ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ee Jadon Sancho inuu ku biirayo kooxda Liverpool.

Warbaahino kala duwan ayaa la xiriirinayay xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, inuu u dhaqaaqayo naadiga Liverpool xagaaga soo socda.

Fabrizio Romano ayaa daaha ka qaaday in Liverpool ay si xoogan u soo gashay loolanka loogu jiro saxiixa Jadon Sancho, isla markaana ay dooneyso inay gacanta ku dhigto inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga xagaaga kaddib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *