Tababare Thomas Tuchel oo ka warbixiyey xaaladda xiddiga Antonio Rüdiger.

Macalinka  kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa daboolka ka qaaday  go’aankiisa kaga aadan haddii uu ciyaarayo Antonio Rüdiger kulanka habeenka Arbacada ee Real Madrid.

Xiddiga  Antonio Rüdiger ayaa dhawac soo gaaray dhawaan, taasoo shaki gelisay suurtagalnimadiisa inuu ka qeyb galo kulanka Real Madrid ee lugta labaad wareega afar dhammaadka Champions League.

Haddaba Thomas Tuchel ayaa u sheegay warbaahinta kaddib shir jaraa’id uu ka soo muuqday:

“Antonio Rüdiger wuxuu ciyaari doonaa kulanka Real Madrid, laakiin wuxuu xiran doonaa wajiga inta lagu guda jiro ciyaarta dhaawac dartiis.”

Isagoo ka hadlayay xaalada dhaawac ee xiddiga khadka dhexe reer Croatia Mateo Kovačić, wuxuuna yiri:

“Ku dhowaad Mateo Kovačić ma awoodi doono inuu qeyb ka noqdo kulankan.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *