Barasabka ismaamulka Kisumu Professor Anyang Nyong’o oo ka hadlay Xuska maalinta madaraka.

Barasabka ismaamulka Kisumu Professor Anyang Nyong’o ayaa manta markii ugu horeysay ka hadlay xuska maalinta madaraka day oo sanadkani lagu qaban doono gudaha ismaamulkaasi .

Professor Anyang Nyong’o ayaa sheegay in dowladdiisu ay si buuxda ugu diyaargarowday martigelinta xuska maalinta madaraka day iyo madaxda kala qeybgaleyso .

Professor Anyang Nyong’o  ayaa sida oo kale sheegay in dabaaldegga maalintaasi lagu qaban doono garoonka kubadda cagta ee Jaramogi Oginga Odinga.

Madaxweynaha ee dalka aya kenyanka ku hoggaamin doona xuska maalintani madaraka day ee sanadkani lagu qaban doono ismaamulka Kisumu .

Dhanka kale Barasabka ismaamulka Kisumu Professor Anyang Nyong’o  ayaa sheegay in dhamaad uu ku sii socdo mashruuca lagu hagaajinaya wadooyinka gudaha magaalada Kisumu.

Professor Anyang Nyong’o ayaa carabka ku dhuftay in dowladdiisu ay labo shaashadood oo waa weyn ay ku  rakibi doonto   fagarayaasha  Kirende iyo Raila halkaasi oo xubnaha shacabka ay ka daawan doonaan dabaal degyada maalintaasi .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *