Mareykanka oo farta ku fiiqay dowladda Shinaha .

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken ayaa mar kale eedeymo dhowr ah uu soo jeediyey dowladda Shinaha.

 Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken  ayaa sheegay in shinaha  siyaasaddiisa arimaha dibedda ay tahay mid xoog ku salaysan halka gudahana uu shacabkiisa caburiyo.

Mr Antony Blinken ayaa carabka ku dhuftay in dowladda  Beijing ay u dhaqmeyso si cadowtinnimo leh.

Xoghayaha ayaa sheegay in  mareykanka aysan  dooneynin   in ay  hoos u dhigto awoodda Shiinaha, balse aanay aqbali doonin in dalkaas uu wiiqo waxa uu ku tilmaamay hannaanka caalamka ee ku salaysan kala dambeynta sharciga ah.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Madaxweyne Biden iyo hogaamiyaha shiinaha XI Jinping ay arrimo qoto dheer ka wadahadleen markii ugu horeysay ay khadka talefoonka ku wada xirireen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *