Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxda xarumaha warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa mar kale aqalka madaxtooyada ku qaabilay   qaar ka mid ah madaxda xarumaha warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Madaxweyne farmaajo ayaa  hambalyeeyey Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda.

Madaxweyne farmaajo ayaa madaxdani uu soo bandhigay qorshaha dowladdiisa kuadan  dhowrista xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyada oo tallaabooyin muuqda loo qaaday dhankaas, taas oo ay tusaale u tahay qiimaynta sannadlaha ah ee ay 2020-ka sameeyeen ururrada u dooda warfidiyeenka oo xaqiijiyay in dalkeennu uu sameeyey horumar dhanka xorriyadda iyo xuquuqda saxaafadda ah.
Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay  in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muhiim ah siisay horumarinta saxaafadda, iyada oo dadaal ku bixisay ilaalinta xuquuqda Warbaahinta lana meel mariyey shuruuc iyo xeer ilaaliye u gaar ah saxaafadda si looga hortago tacaddi iyo meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta.

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa Madaxweynaha la wadaagay in ay laga ma maarmaan tahay in Dowladdu ay xaqiijiso xorriyadda iyo madax-bannaanida warbaahinta, waxa ay sidoo kale soo gaarsiiyeen dhacdooyin iyo falal ay tabasho ka qabeen, iyaga oo codsaday in arrimahaas wax laga qabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *