Tababare Mauricio Pochettino oo ka hadlay xiddiga Kylian Mbappe.

Tababare  PSG ee Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay xaalada xiddiga Kylian Mbappe ka hor kulanka Man City ee lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions League.

Xiddiga  Kylain Mbappe ayaa dhaawac uga maqnaa tababarka kooxda maalmihii ugu dambeeyay taas oo shaki galisay ciyaaristiisa kulanka Man City ee habeen dambe.

Mauricio Pochettino oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marka hore waa in aan xaaladiisa qiimayno, maanta waxa uu tababarka u qaatay qaab kali ah kadib waxa aan eegi doonaa in uu kooxda la qaadan karo tababarka”.

Waxa noo hadhay saacado sidaas darteed go’aanka kama dambaysta ah waxa aan qaadan doonaa maalinta Bari ah marka aan la tashano waacda caafimaadka”.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *