Nin kufsaday gabar jirta 15 sano Ismaamulka Kiambu.

Maxakamad ku tala degmada Limuru ayaa waxaa manta la soo taagay nin uu dhashay dalka Uganda kaasi oo lagu eedeyey in uu kufsaday gabar jirta 15 sano ee toddobaadkii la soo dhaafay .

Eedeysane Isaac Busaikala Wanjala oo da’diisu tahay 25 sano ayaa la sheegay in uu gabadhani uu ku kufsaday  degmada lari gudaha ismaamulka Kiambu 

Eedeysanahani ayaa beeniyey dhamaan  edeymaha  lagu haysto markii uu ka soo hormuuqday garsooraha maxakamadda Limuru Fred Koome

Garsoore Fred Koome ayaa eedeysanahani ku sii daayey damiin lacageed oo dhan 300,000 oo shilin halka kiiskiisa dib loo dhageysan doono taarikhda marka ay tahay 17 bisha May ee sanadkani .

Dhanka kale maxakamadda Limuru ayaa waxaa ka soo hormuuqday nin lagu eedeyey dilkii Peter Maina kaasi oo ay maxakamadda ku amartay in xabsiga lagu sii haayo eedeysane ilaa taarikhda marka ay tahay 5-ta bisha May ee sanadkani .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *