Golaha barasaabyada dalka oo afka furtay.

Golaha barasaabyada dalka ayaa ku adkaysanayaa in ismaamulada aysan  soo dhaweyni doonin  baaqa shaqo joojinta ee kalkaaliyayaasha caafimaadka.

Golaha barasaabyada ayaa ku tilmaamay cabashooyinka kalkaaliyayaasha caafimaadka kuwo aan macquul ahayn isla marna aan ku saleysneyn  dastuurka dalka.

Guddomiyaha golaha barasaabyada dalka Wycliffe Oparanya ayaa ku baaqay in shaqada laga saaro   dhamaan shaqaalaha caafimaadka ee shaqo joojinta ku jira.

Dhanka kale guddomiyaha golaha barasaabyada dalka Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in dowladaha ismaamulda aysan awoodin bixinta lacagaha dheeriga ah oo ay dalbanayaan shaqaalaha caafimaadka.

Mudane Wycliffe Oparanya ayaa xusay in kalkaaliyayaasha caafimaadka ay yihiin shaqaalaha ugu mushaarka badan dowlada isla marna ay uu qalmin mushaar intaas ka badan.

Kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo dhaqaatiirta kale ee ka hawlgala 34 ismaamul ayaa shaqo joojin ku dhaqaaqay 7-dii bishii Diseembar ee sanadii aynu soo dhaafnay.

Sarakiisha caafimaadka ee shaqa joojinta ku dhaqaaqay ayaa dalbanaya in loo kordhiyo mushaharaadka iyo lacagaha gunnooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *