Dibadbaxyo waaweyn oo ka dhaceen dalka Tunisia.

Wakaaladaha amaanka ee dalka Tunisia ayaa manta xabsiga dhigeen in ka  badan 600 oo qof iyadoo habeenkii afaraad ay socdaan dibedbaxyo rabshado wata.

Maalintii shaleyto ayaa  wadooyinka dalkaasi waxaa isugu soo baxay dad badan kuwaasi oo dhagxaan iyo bambooyin shidaal ka sameysan ku tuuraya booliska.

Ciidamada ammaanka ayaa ku kala eryay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo madfaca biyaha.

Tuniisiya waxaa soo foodsaaray dhibaatooyin dhaqaale oo aad u daran, saddex meelood meelna dhallinyaradeeda ayaa shaqo la’aan ah.

Dhibaatada dhaqaale ayaa kasii dartay iyadoo caalamka uu la daala dhacayay cudurka Safmarka ee Covid-19.

Dhanka kale  Isku dhacyo ayaa laga soo sheegay Isniintii magaalooyinka ka baxsan cassimadda Tunis, sida, Kasserine, Gafsa, Sousse iyo Monastir.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *