DHAGEYSO: Mudane Adan Keynan oo ka hadlay warbixinta BBI-da.

Xildhibaanka laga soo doortay Deegan barlamaaneedka Ceel dhaasi  ahna xoghayaha isbaheysiga Jubilee Adan Keynan ayaa manta si weyn uu difaacay warbixinta BBI-da .

Xildhibaan Adan Keynan ayaa sheegay in warbixinta BBI-da ay xal uu tahay arrimo dhowr ah oo dalka ka tagan .

Mudane Adan Keynan ayaa carabka ku dhuftay muhiimadda ay lee dahay in la helo dastuur ay ku wada qanacsan yihin kenyanka  balse wuxuu sheegay in   dasturka hadda dalka uu isticmaalayo aysan ku wada ganacsaneyn kenyanka .

Xildhibaanka laga soo doortay Deegan barlamaaneedka  ahna xoghayaha isbaheysiga Jubilee Adan Keynan  oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda iftiin fm ayaa sida oo kale sheegay in warbixinta BBI-da  ay ka dhalatay heshiiskii dhax maray madaxweyne uhuru Kenyatta iyo hoggamiyaha mucaraadka ee dalka Raila Odinga .

Mudane Adan Keynan  ayaa sheegay in BBI-da ay sii xoojineyso dowladda wadaajinta  islamarkaasina ay si gaar ah uu horumarineyso countiyada ay ku nool dadka xoola dhaqatada ah .

Mudane Adan Keynan   ayaa sheegay in la kordhiyey lacagaha loo qoondeeyo ismaamulada kala duwan halka ay sida oo kale abuurtay sanduuqa maaliyadeed ee degmooyinka .

Mudane keynan ayaa carabka ku dhuftay in BBI-da ay xal uu raadin doonto calaadada daradii ka dhacday degmooyinka qaarkood ee gobolka waqooyi bari .

Xildhibaanka laga soo doortay Deegan barlamaaneedka Ceel Dhaas  ahna xoghayaha isbaheysiga Jubilee Adan Keynan  oo marti ku ahaa barnamijka subaxnimo ee HODI HODI idaacadda iftiin fm ayaa inta ku daray in ay muhiim tahay in kenyanka ay akhristaan oo ay fahmaan warbixinta BBI-da

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *