Horyeelka premier League oo meel wanagsan maraya .

Toddobaadkii 6-aad ee horyeelka  premier League  ayaa xaleyto la soo afjaray  iyada oo la ciyaaray todobaad la yaab leh oo ay kooxaha waaweyn wada kufeen.

Kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa ah kooxaha kaliya ee 6-da kooxood ee ugu waaweyn ee guulaha gaadhay horyaalka premier League todobaadkan.

Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa bar-baro isku dhaafi waayay kulan ay wada ciyaareen halka Man City bar-baro la gashay kooxda West Ham.

Dhanka kale Arsenal ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka dhacay garoonka Gunners ee Emirates Staduim.

Kadib markii la ciyaaray todobaadkan waxa la soo saaray shaxda ugu fiican horyaalka premier League todobaadkan.

Kooxaha Chelsea, Leeds United iyo Liverpool ayaa shaxda ku leh mn 2 xiddig kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Kooxaha Crystal Palace, Southampton, Man City iyo Tottenham ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *