Borussia Monchengladbach Vs Real Madrid.

Real Madrid ayaa caawa   marti u noqon doonta kooxda Borussia Monchengladbach kulan ka tirsan kulankii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ay ka go’antahay guul ay ka gaadhaan tartanka champions Leageu kadib markii ay guuldaro ku furteen tartanka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale kooxda Borussia Monchengladbach ayaa kulanka soo galaya iyaga oo bar-baro galay kulankii ay la ciyaareen Inter Milan.

Kulanka: Borussia Monchengladbach Vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Borussia-Park.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 5-aad ee ay isaga hor yimaadaan kooxaha Borussia Monchengladbach Iyo Real Madrid tartamada yurub iyaga oo min hal guul kala gaadhay iyo 2 bar-baro.

Kooxda Real Madrid ayaan guuldaro kala kulmin kooxaha reer Germany 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada yurub.

Kooxda Borussia Monchengladbach ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee tartamada oo dhan ay ka hor tageen kooxaha reer Spain.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *