Golaha Muslimiinta Faransiiska oo afka furtay .

Golaha Muslimiinta Faransiiska ayaa   daboolka ka qaaday in  muslimiinta ku nool wadankaasi fransiiska  aysan dhibaatooyin kala kulmeen gudaha ee dalkaasi 

Golaha Muslimiinta Faransiiska  ayaa sheegay in  dadka haysta diinta islaamka  aysan wax dhibaato ah la kulmeen , xilli uu meel adag gaaray khilaafka u dhexeeya xukuumadda Paris iyo qaar kamid ah dalalka Muslimiinta.

Hadalka golahaas ayaa ku soo aadaya kadib markii madaxweynaha Turkiga , Rajab Tayib Erdogan uu sheegay in dadka muslimiinta ah ee ku nool qaaradda yurub  ay la kulmaan dhibataooyin xoogaan, isla markaana ay marayaan xaaladdii haysatay Yuhuudda ka hor dagaalkii labaad ee dunida.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa inay joojiyaan iibsashada alaabaha lagu sameeyo Faransiiska, waxaana uu ka dalbaday Midowga Yurub inuu wax ka qabto ajandaha Macron ee Islaamka ka dhanka ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *