Shaqaalaha Been Abuurka ee Barnamijka Kazi Mtaani oo la ciqaabaya .

Guddiga dhaqangelinta ismaamulka Tran Nzoia  oo uu qabilsaan barnamijka nadaafadda ee Kazi Mtaani ayaa maalintii shaleyto waxay  ay xisaabeen  oo ay tiriyeen   dadka ka shaqeynayaan barnamijkani Kazi Mtaani .

Xubnaha guddigani ayaa waxay sheegeen in la tiriyey oo la xisaabay dhamaan dadka ka shaqeynayaan barnamijka kazi Mtaani  gudaha ismaamulkaasi si meesha looga saaro shaqaalaha been abuurka ah.

Guddomiyaha amaanka ismaamulka Tran Nzoia Samson Ojwang oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in liiska shaqaalaha barnamijka Kazi Mtaani laga saaray dadka badan oo si sharci daro ah ku shaqeynayeen  islamarkaasina ana diiwaangalsaneyn .

Dhanka kale agaasimaha guryaha Wycliff Were oo si gaar ah ula hadlay wakalaadda Wararka ee dalka KNA  ayaa sheegay in  tallaabo xoogan laga qaadaya saraakiisha Dowladda oo si sharci daro  dadka uga qorayaan barnamijkaasi .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *