Xildhibaan Rigathi Gachagua oo xabsiga la dhigay .

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Mathira Rigathi Gachagua  ayaa  maalintii shaleyto la xiray kadibna lagu wareejiyey waaxda danbi baarista ee dalka .

Saraakisha waaxda danbi baarista ee dalka DCi-da ayaa  la soo sheegaya in ay sualo dhowr ah weydiyeen xildhibaankaasi .

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Mathira Rigathi Gachagua  ayaa lagu eedeyey falal musuqa maasuqa ah in uu geystay kadib markii akoonka bangikiisa  laga helay lacag dhan 12.5  billion shilins taasi oo loo maleynaya in uu soo dhacay .

Xildhibaan Rigathi Gachagua ayaa sida oo kale lagu eedeyey in uu dhowr ah uu si sharci daro ah ku helay qandaraasyo kala duwan isagoo isticmaalaya 22 shirkadooda oo uu sameystay .

Qaar ka mid ah bangiyadiisa ayaa xayiraad lagu soo rogay oo laga mamnuucay in uu lacago kala baxo  madaam ay baaritaano ay ku socdaan .

Dhanka kale xildhibaankani ayaa beeniyey dhamaan eedeymaha musuqa maasuqa ah ee lagu haysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *