Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka hadlay Warbixinta BBI-da .

Madaxweynaha ee dalka uhuru kenyatta ayaa manta  baaq xoogan uu diray hoggamiyayaasha kala duwan ee dalka 

Madaxweynaha ee dalka uhuru kenyatta  ayaa ugu baaqay hoggamiyayaasha ee dalka in ay ka shaqeeyaan  mideynta kenyanka 

Mr uhuru kenyatta oo khudbad kooban ka jeediyey xaflaadda xariga  looga jarayey warbixinta BBI-da  ayaa ka codsaday siyaasinta in ay joojiyaan siyaasadda qabyaaladda ku dhisan taa badalkeeda ay  ka shaqeeyaan mideynta kenyanka .

Madaxweyne ku xigeenka ee dalka  Dr. William Ruto ayaa  ku baaqay in dhamaan kenyanka laga qeybgeliyo geedi socodka BBI-da  si ay aragtidooda uga dhibtaan .

Madaxweyne ku xigeenka ee dalka  Dr. William Ruto ayaa  carabka ku adkeeyey muhiimadda ay lee dahay in la ilaaliyo madax banaanida  hay’daha kala duwan ee dowladda  oo ay ka mid yihin  guddiga madaxbanaan ee doroshooyinka  iyo xuduudaha ee dalka iyo waaxda garsoorka ee dalka 

Dhanka kale Hoggamiyaha mucaraadka ee dalka Raila Odinga  ayaa sheegay in warbixinta BBI-da ay mideyn doonto kenyanka .

Mr Raila Odinga ayaa ugu baaqay kenyanka in ay taageeraan warbixinta BBI-da madaam ay xal uu tahay caqabadooyin dhowr  ah oo dalka ka jiraan 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *