Soomaliland oo soo saartay go’aan adag .

Maamulka Soomaliland ayaa manta daboolka ka qaaday in la hakiyey  oo la joojiyey dhamaan Wada-Shaqeyntii kala dhaxeysay Soomaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay uu qabilsan Soomaliya .

Wasaaradda Qorshaynta iyo  Horumarinta Somaliland ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in  la hakiyay dhamaan  wada-shaqeyntii kala dhexeysay Soomaaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Qoraalka wasaarada ayaa lagu sheegay in la hakisay dhamaan Shaqooyinkii iyo howlihii kale oo ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaannada ka tirsan Soomaaliland.

Sidoo kale qoraalka ayaa la sheegay in talaabadan ay dhaqan gashay shalay oo taariikhda ay ku beegneed 25-10-2020.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay in soomaaliland ay hakiso dhamaan shaqooyinkii ay ka waday deegaanada ka tirsan Soomaaliland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *