Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre oo kulmeen .

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Ra‘iisul wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa waxay kulan ku qaateen magaalada tan Nairobi

Wararka na soo garaya ayaa waxay sheegayaan in hoggamiyayaashani ay ka wad hadleen oo ay diiradda  ku saareen  arrimaha siyaasada soomaaliyeed gaar ahaan doorashooyinka iyo arrimo kale.

Shariif iyo Kheyre ayaa sanadkan labadoodaba ah  musharaxiin u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankoodii ku wehlinayay xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada masuul ay isla soo hadal qaadeen dhowr arrimood oo ay ka mid tahay wada-shaqeyn dhow oo dhex marta iyo in si dhow ay isaga warqabaan labada masuul.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada masuul ay ku balameen in kulamo kale ay isugu yimaadaan maalmaha soo soo socda, islamarkaana ay bilaabaan isbaheysi siyaasadeed.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *