Loolan adag oo loogu jiro doroshada Mareykanka .

Madaxweyne Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka Joe Biden oo labaduba ku tartami doona doorashada madaxtinimada ee bisha danbe,

Labada musharrax oo ku jira da’da todobaatameeyada ayaa dooddoodii koowaad aad isu weeraray, isla markaana hadalka iska boobayay, haba ugu darnaado madaxweyne Trump, arrintaasoo dadka ka faallooda siyaasadda Mareykanka ay ku sheegeen in ay ka dhigtay dooddii ugu xumeyd taariikhda siyaasadda Mareykanka.

Labada musharrax ayaa ku dadaali doona sidii ay u soo jiidan lahaayeen, dadka aanan wali go,aan ka gaarin cidda ay u codeyn doonaan, hase yeeshee in ka badan 40 milyan oo qof ayaa mar hore go’aansaday oo codadkooda ka dhiibtay doorashada, qeybo ka mid ah gobollada oo dadka loo ogolaaday in ay codeyn karaan ka hor maalinta weyn ee 3-da bisha November oo ay inanga xigto wax ka yar labada todobaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *