Weerar culus oo ka dhacay gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan.

Weerar culus oo ka dhacay gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan sida ay wararku sheegayaan .

Weerarkani  ayaa waxaa ku dhintay 12 qof  kadib markii duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Dugsi lagu barto diinta oo kuyaala gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan.

Saraakiisha Afghanistan oo warbaahinta la hadleen ayaa waxay sheegeen in duqeyntu ay ka dhacday dugsi Qura’aan oo ku yaalla tuulada Hazara Qurluq ayna ku dhinteen 11 caruur ah iyo macalinkoodii.

Dowladda Afghanistan sheegtay inay ku dishay aaga duqeyntu ka dhacday 12 dagaalyahan oo ka tirsan Taalibaan.

Duqeyntan ayaa timid kadib markii in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Taalibaan ku qaadeen gobolka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *