RASMI: Lionel Messi oo ka tagi doono Barcelona.

Tababaraha Barcelona Ronald Koeman ayaa sheegay in uuna ku tiirsanaan doonin Lionel Messi wixii ka dambeeya dhamaadka xilli ciyaareedkan haatan lagu jiro.

Xiddiga reer Argentine ayaa muujiyay rabitaankiisa ah in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Barcelona suuqii xagaaga ee la soo dhaafay Laakiin Barcelona ayaa diiday in ay si xor ah u fasaxdo xiddiga xilli ayna jirin koox diyaar u ah in ay bixiso lacagta 360-ka ah ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Messi ayaa ugu dambayn go’aansaday in uu sii joogo kooxda Barcelona laakiin heshiiska xiddiga ee Barcelona ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Koeman oo shaqada tababaranimo ee Barcelona ka badalay Quique Setien ayaa si maldahan u ssheegay in uu waayi doono adeega xiddiga 33 jirka ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Mar walba waxa aan rajaynayay in uu Messi sii joogo xilli ciyaareedkan, hadii uu suuqii xagaagan tagi lahaa waxa aan ku jiri lahaa xaalada sidan haatan ka duwan”ayuu Koeman yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *