Macaliinka kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ooka hadlay guul darada soo gaartay .

Macaliinka kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa daboolka ka qaaday in  sababtii uu weerarka tooska ah uga ciyaarsiiyay xiddiga Willian kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Man City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Arsenal ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Man City kulan ka tirsanaa todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League

Macaliin Mikel Arteta ayaa weerarka tooska ah ka ciyaarsiiyay xiddiga Willian taas oo lama filaan ku noqotay marka loo eego in uu xiddigu garabka ka ciyaaro.

Mikel Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxaan ubaahanahay inaan helno kala duwanaansho aan ku ciyaarno qaabab kala duwan, anagoo buuxinayna meelo kala duwan”.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *