Sergio Ramos oo dhawaac culus uu soo gaaray .

Daafaca Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa la soo sheegay in uu dhawaac  culus  ka soo  gaartay  kulankii ay kooxdiisa Real Madrid guuldarada lama filaanka ah kala kulantay kooxda Cadiz horyaalka La Liga.

Kabtanka Los Blancos ee Sergio Ramos ayaa waxaa qasab ku noqotay uu isaga boxo ciyaarta kadib markii uu dhamaysan kari waayay ciyaarta.

Xiddig u ciyaara Real Madrid ayaa si xoogan ugu dhacay Ramos xilli uu dhawaa dhamaadka qaybta hore ee ciyaarta Ramos ayaana si caadi ah u dhamaystay daqiiqadihii ka hadhsanaa qaybta hore.

Laakiin Tababare Zinedine Zidane ayaa badal ku sameeyay qaybtii dambe daafaca Ramos isaga oo ku baday xiddiga Militioa.

Dhaawac Ramos ayaa imanaya todobaad ka hor kulanka sida weyn loo sugayo ee ay kooxdiisa Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Barcelona.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *