Noordin Haji oo ka hadlay fadeexadda KEMSA.

Agaasimaha waaxda dambi oogista ee dalka Noordin Haji  ayaa sheegay in meel wanagsan ay mareyso baaritaanada lagu sameynaya musuqa maasuqa ka dhax dilaacay waaxda qaran ee qeybinta  dawooyinka iyo qalabyada caafimaadka ee KEMSA .

Agaasimaha waaxda dambi oogista ee dalka Noordin Haji  ayaa ka ballanqaaday kenyanka in  gacanta lagu soo dhigi doono oona  maxakamadda lala tiigsan doono  shaqsiyaadka falalkaasi musuqa ah geysteen .

DPP  Noordin Haji  ayaa sida oo kale beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey guddiga anshaxa iyo la dagalaanka musuqa maasuqa ee dalka.

Guddiga anshaxa  iyo la dagaalaanka musuqa maasuqa ayaa lagu eedeyey in uu ka gaabiyey dagaalka ka dhanka ah musuqa maasuqa .

Agaasimaha waaxda dambi oogista ee dalka Noordin Haji  ayaa  dhanka kale carabka ku adkeeyey in  guddiga loo xilsaaray  baaritaanada  fadeexadda  KEMSA  ay gacanta ku hayaan cadeymo badan oo lagu soo xiraya shaqsiyaadka geysteen falalkaasi musuqa maasuqa .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *