Dalalka Azerbaijan iyo Armenia oo heshiis xabad joojin ah wada garay .

Wararka na soo garaya ayaa waxay sheegayaan in heshiis xabad joojin ah ay wada gaareen dalalka Azerbaijan iyo Armenia.

Heshiiskani xabad joojinta  ayaa dhaqangashay xaleyto taasi oo noqon doonto  isku daygii labaad ee tobaad gudihiisa ah oo la doonayay in lagu qaboojiyo, dagaalka sadaxda usbuuc ka socda gobolka Nagorno-Karabakh.
Xabbad joojinta binu’aadanimo ee labada dal ay ku heshiiyeen ayaa bilaabanaysa Maanta oo ah 18 October, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia.

Ku dhawaaqista heshiiska ayaa imaanaya, kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Russia Sergey Lavrov uu khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa waddamada Azerbaijan iyo Armenia

Lavrov iyo madaxweynaha dalka Farce Emmanuel Macron ayaa dhinacyada dagaallamay ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska xabbad joojinta ee ay gaareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *