Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo afka furtay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay   ugu  baaqay  madaxda dowlad goboleedyada  inay soo gudbiyaan magacyada xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Warqadaan oo loo diray madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay  in la dhaafay waqtigii soo magacaabista guddiyadan oo ku beegneyd 10-kii bishan.

Sidoo kale warqaddan ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada looga dalbaday inay ugu dambeyn 20-ka bishan October soo gudbiyaan magacyada xubnaha guddiyadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *