Dowladda Soomaliya oo ka hadashay Cillada ku timid qadka Internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaliya ayaa  waxay  ka hadashay cillada ku timid qadka Internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo taagan in ka badan 12-saacadood.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in  cillidan aysan cusbeyn, balse hadda ay suurta gashay in la cillad bixiyo xarigii go’ay 26-kii bishii July oo markaas si ku meel gaar ah loo xalliyey.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir Canshuur in isla xalay ay daahfureen xarig kale oo internet ah, kaas oo laga soo xariiriyey dalka Jabuuti, isla markaana isu mara magaalooyinka Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *