Kooxda Juventus oo bilaa dhibco la’aan soo galbatay .

Waa markale oo kooxda   Juventus ay bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Crotone kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan kulan ka dhacay garoonka Stadio Ezio Scida.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Juventus ka maqanyihin xiddigo badan oo muhiim ah oo uu hogaaminayo Cristiano Ronaldo kaas oo xanuunka Korona ku seegay.

Kooxda Croone oo marti loo ahaa ayaa daqiiqadii 12-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Simy kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Juventus ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo weeraro halis ah ku qaadayay kooxda Crotone iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 21-aad ayay Juventus dhalisya goolka bar-baraha iyaga oo u u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Qaybtii dambe ayay Juventus dhirbaaxo la kulantay kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay xiddiga Federico Chiesa kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig

Xiddiga Alvaro Morata ayaa gool dhaliyay daqiiqadii 76-aad laakiin goolkaas ayaa la diiday Offise uu ku jiray xiddiga reer Spain.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Juventus bar-baro la gashay kooxda Crotone iyaga oo sii wada luminta dhibcaha horyaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *