Gavanaha countiga Machakoes Dr. Alfred Mutua oo Baaq uu diray Siyaasinta ee dalka .

Gavanaha countiga Machakoes Dr. Alfred Mutua ayaa manta baaq xoogan uu diray kenyanka .

Gavanaha countiga Machakoes Dr. Alfred Mutua ayaa ugu baaqaya kenyanka in ay ka dheeradaan oo ay ka foogaadaan  siyaasadda kala qeybinta ku dhisan iyo qabyaaladda .

Dr. Alfred Mutua  ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasinta ay doonayaan in ay danahooda siyaasadeed ay ku gaaraan kala qeybinta kenyanka .

Dr. Alfred Mutua ayaa carabka ku dhuftay in madaxda ee dalka ay ka gaabiyeen wax ka qabashada caqabadooyinka ka jira dalka sida musuqa maasuqa,qabyaaladda  iyo horumarka liita .

Gavanaha countiga Machakoes Dr. Alfred Mutua ayaa hadalkani ka jeediyey  magaalada Nyahururu deegaanka Laikipia  halkaasi oo olalahiisa siyaasadeed uu ka waday .

Dr. Alfred Mutua ayaa carabka ku dhuftay in socdaalka uu ku maro degmooyinka kala duwan ee dalka ay taasi fursad uu siineyso in uu la kulmo kenyanka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *