Shil ka dhacay wadada isku xirta Magaalooyinka Migori iyo Rongo .

Wararka na soo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in afar qof ay dhinteen halka dhowr kalana ay dhawacmeen kadib markii gaarigii ay sarnaayeen  uu shil galay .

Dadkani ayaa la sheegay in ay ka soo baxeen magaalada Migori halka ay uu socdeen magaalada  Rongo .

Gaariga ay  sarnaayeen ayaa  la soo sheegay in uu ka qarxay taayirka kadibna  wuu gadoomay .

Hal qof ayaa ku dhintay isla goobta uu shil ka dhacay halka saddaxda kalana ay  dhinteen ayagoo loo sii waday isbitaalka .

Dadka kale  ee dhawaaca uu soo gaaray ayaa loola cararay isbitaalka Rongo  halka meydadka la dhigay qolka mydadka lagu kediyo ee Rose wood .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *