Madaxweynaha dalka oo barlamaanka baaq uu diray

Madaxweynaha dalka uhuru Kenyatta ayaa Xubnaha Barlamaanka ugu baaqay in ay baas mariyan bilaalka taageraya ajendooyinka horumaarined ee ay dowladda dalka ka wado.

Madaxweynaha ayaa Maanta hadalkan ka sheegay kadib kullan uu la qaatay dhamaan Xubnaha barlamaanka oo ka dhacay aqalka Madaxtooyada dalka.

Kullan ayaa Waxaa looga gol laha in Xubnaha Barlamaanka iyo Senetka lagu baro Xubnaha Cusub ee Guddiyada barlaamanka ee dhawaan la magacaabay.

Madaxweynaha ayaa amaanay qaabka loo qaybsaday Guddiyada barlamaanka isaga oo sheegay in Xita Mucaaradka Madax looga dhigay qaar kamid ah guddiyada barlamaanka sida uu qabo dastuurka dalka.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale Xubnaha barlamaanka ugu baaqay in aynan iska sheegin waxyaaba aynan ka warqabin sida in dowladda ay Barnaamijka Huduma numba daana gaar ah ka leedahay.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale Siyaasiyinta ugu baaqay in aynan dalka ka abuurin jawin Siyaasaded oo ku saleysan ololaha doorashada 2022 sii dowladda ay uu fuliso Mashaaricda ay qaybaha kala duwan ee dalka ka wado.

Afhayenka aqalka Senetka Ken Lusaka ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay sida uu u Xaliyay khilaafkii Senetka ee ku aadana dakhli qaybsiga dalka.

Dhanka kale afhayenka aqalka barlamaanka ee dalka Justin Muturi ayaa ku baaqay in Waaxda fulinta ay sii joogta ah ula shaqeyso aqalada barlamaanka ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *