Shil gaari oo qasaare geystay oo ka Dhacay Eldoret.

Shil gaari oo saaka ka dhacay Magaalada Eldoret ayaa Waxaa ku dhintay sadax Ruux oo laba kamid ah ay isku qoys yihiin.

Shilkan oo dhacay saaka abaaee sideedii subaxniimo ayaa Waxaa sido kale ku dhaawacmay ruux kale.

Madaxa Ciidamada booliska ee galbeedka Eldoret Eliud Maiyo  oo dhacdadan Xaqiijiiyay ayaa sheegay in booliska ay bilaaben baaritaano lagu ogaanaayo Wixii dhaliyay shilkasi.

Maiyo ayaa sheegay in Daraawal waday boda boda oo shilkasi ka badbaaday la dhigay Cisbitaalka Moi Teaching and Referral Hospital.

Madaxa Ciidamada booliska ee galbeedka Eldoret Eliud Maiyo ayaa sido kale sheegay darawaal kale oo waday gaari nooca probox ah uu sido kale dhawac yar soo gaaray isla markana lagu amray in uu Warbixin ka qoro saldhiga booliska.

Shilkan ayaa dhacay kadib markii uu gaariga nooca Toyota Probox oo uu soocday Xaafada Kiplombe ee Eldoret uu ku dhacay laba boda boda agagaarka suuqa Kibulgeny .

Mid kamid ah wadayasha boda boda-ga ayaa isla goobta ku dhintay halka rakaab saarna mid kamid ah boda boda-yasha uu Cisbitaalka ku dhintay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *