Kisaas badan oo Covid-19 ah oo Maanta dalka laga helay

Wasaarada caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 24-kii saac ee laso dhaafay 616 ruux oo horleh laga helay Cudurka Corona Virus-ka kaidb markii Cudurkaasi laga baaray 5,512 ruux taasi oo Tirada guud ee dadka Cudurka uu ku dhacay ka dhigeysa 44,1796.

Bayaan kaso baxay Wasaarada caafimaadka ayaa lagu Sheegay in 594 ay kenyaan yihiin halka 22-ka kalena ay ajaanib yihiin.

Wasaarada ayaa sheegtay in 391 kamid ah bukaanada ay rag yihiin halka 225 kalena ay dumar yihiin.

Bukaanka ugu da’da yar ayaa la sheegay in uu 8 jir yahay halka Midka ugu da’da weyn uu 86 jir yahay.

Kountiga Nairobi ayaa laga helay kisaaska ugu badan iyaada 121 kiis laga helay halka Nakuru laga helay 110 kiis.

Kountiga Uasin Gishu  ayaa laga helay 74 kiis , Mombasa 55, Kakamega 32, Kericho 29, Kisumu 26, Bungoma 21, Garissa 20, Turkana 16, Kiambu 13, Homa Bay 10, Kajiado 10, Kisii 10, Laikipia 9, Busia 8, Isiolo 6, West Pokot 6, Murang’a 6. Bomet 5, Meru 4, Narok 4, Embu 3, Baringo 3, Nyeri 2, Kwale 2, Machakos 2,  Makueni 2, Siaya 2, Elgeyo Marakwet 1, Wajir 1, Nandi 1, Kirinyaga 1, and Trans Nzoia 1.

Wasaarada ayaa dhanka kale sheegtay in 104 ruux oo horleh ay Cudurka ka bogsooden iyaada oo 83 kamid ah bukaanadan ay guryaha joogen halka 21 kalena ay Cisbitaalada joogen.

Tirada guud ee dadka cudurka ka bogsooday aya iminka gaartay 31,712 ruux.

Wasaarada ayaa dhanka kale sheegay in 12 ruux oo horleh ay Cudurka uu dhinteen taasi oo tirada guud ee dadka Cudurka uu dhintay ka dhigeysa 825 ruux

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *