Dowladda Shiinaha oo ka hadashay Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Saraakiisha   howlaha badda ee Shiinaha ayaa  waxay mar kale waxay  dib ugu laabtay magaalada dekedda leh ee Zhoushan ee bariga gobolka Shiinaha ee Zhejiang 14-kii Oktoobar.

Saraakiishani ayaa dib ugu labteen bariga gobolka Shiinaha kadib markii ay soo afjreen howlahoodii ahaa galbinta maraakiibta rayidka ah ee Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Kooxda 35-aad ee galbinta Ciidanka Badda ee Dadka Shiinaha (PLA), oo ka kooban burburiye hage gantaalaha Taiyuan, maraakiibta gantaalaha Jingzhou iyo markabka sahayda keena ee Chaohu, ayaa galbiyay 49 markab oo Shiine iyo ajnabi isugu jira intii howlgalka socday.

Maraakiibta ayaa ka shiraacday Zhoushan 28-kii Abriil.

Shiinaha ayaa bilaabay inuu soo diro maraakiibta ciidamada badda si ay uga fuliyaan howlgalada ilaalinta maraakiibta gacanka Cadan iyo biyaha Soomaaliya bishii Diseembar 2008.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *