Dad xukun dil ah lagu fuliyey deegaanka Puntland.

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa  waxaa manta  laga soo sheegaya in  maamulka Puntland  uu xukun ku fuliyay nin hooyaddiis horay u dilay.

Saraakiisha maxkamada sare ee maamulka Puntland ayaa waxay manta   xukun dil ah ku fulisay Faarax Cabdi Caagane .

Maxkamada ayaa ku eedeysay in uu  3 bil ka hor Hooyadii Xaawo Jaamac Cabdulle ku dilay Deegaanka Jalam ee Gobolka Nuugaal Puntland.

Gudoonka Maxkamada Sare ee Puntland ayaa sheegay in ay heleen cadeymo rasmi ah oo ku saabsan dilka uu hooyaddiisa u geystay ninkaan oo caafimaadqaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *