Guddiga IEBC-da oo ka hadlay doroshada ka dhaceysa deeganka Msambweni.

Guddiga doorashooyinka iyo Xuduudaha ee IEBC ayaa sheegay in ay 9 Mushaarax oo uu tartamaya doorashada ku celiska ee deeganka Msambweni loo ogolaaday in ay kursigaasi uu tartamaan.

Doorashadan ayaa lagu wada in ay dhacdo 15-ka bisha desemba ee Sanaadkan.

Kursigan ayaa banaanaaday kadib Markii uu geeriyooday Xildhibaankii hoore ee deegankasi Suleiman Dori.

Mushaarixiinta loo ogolaaday in ay Kursigaasi uu tartamaan ayaa Waxaa kamid ah Mansury A. Kumaka iyo  Charles Bilali oo si Madax banaan uu tartamaya .

Mushaarixiinta kale ayaa Waxaa kamid ah Ali Hassan Mwakulonda  oo ku tartamaya Kursiga Party of Economic Democracy, Marere Wamwachai oo ku tartamaya Xisbiga  National Vision Party, Sheikh A. Mahmoud oo ku tartamaya Xisbiga Wiper, Khamis Mwakaonje Liganje oo ku tartamaya Xisbiga  United Green Movement, , Omari Idd Boga oo ku tartamaya xisbiga  ODM iyo Feisal Abdallah Bader si Madax banaan uu tartamaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *