Waaxda DCI-da oo gacanta ku soo dhigtay nin loo haystay fal dil.

Saraakiisha waaxda danbi baarista ee dalka DCI-da fadhigoodu yahay sab countiga Njoro ayaa waxay  xabsiga dhigeen nin da’diisu tahay 34 sano oo lagu  magacaabo John Mwangi Githaiga.

Saraakiisha DCI-da ayaa waxay sheegeen in ninkani ay ka soo qabteen degmada Mathangauta .

Mr  John Mwangi Githaiga ayaa lagu eedeyey in uu dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray  Mercy Njeri Mbatia taarikhda marka ay aheyd  13 bishii October ee sanadkani .

Saraakisha DCI-da ayaa warbaahinta uu sheegeen in edeysanahani  lagu  haayo saldhig booliska  iyadoo  lagu wado in  maalinta isniinta ah maxakamadda la soo taago .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *