Dad ku dhintay weerar ka dhacay dalka Tanzania .

Wararka ka soo baxaya gudaha dalka Tanzania ayaa waxay sheegayaan in  weerar ka dhacay tuulo ku taalla xadka ay Tanzania la wadaagto dalka Mozambique.

Weerarka ayaa la soo sheegaya in ay ku dhinteen in ka badan 20 qof  kaasi oo  ka dhacay Kitaya, oo ku teedsan webiga Rovuma river ee kala qeybiya labada dal.

Guryaha iyo gawaarida ayaa la sheegay in la gubay; dhismayaasha waxaa ku jira guri uu leeyahay mid ka mid ah musharraxiinta dooarshada lagu wado inay dhacdo bisha soo socota.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkaasi lala xiriirinayo koox taabacsan Daacish oo ku sugan Mozambique – balse dad kale ayaa qaba inay la xiriirto doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *