Deegaanka Tiatay oo iskuul cusub laga dhisay markii ugu horeysay .

Wararka na soo garaya deegaan barlamaaneedka Tiaty ayaa waxay sheegayaan in iskuul cusub oo loogu magac daray plesian laga dhisay degmada Amaya  kaasi oo kaalin weyn ka qaadanaya dib uu soo celinta nabadda ee deegaankaasi.

Iskuulkani cusub ayaa la sheegay in uu yahay  mid boarding ah  oo ay wada dhigan doonan ardeyda ka kala soo jeedaan qowmiyadaha diriirtu ay ka dhaxeyso  ee xadka kala qeybiyo ismaamulada kala ah Samburu ,Baringo iyo Laikipia .

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaneedka Tiaty  William Kamket oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iskuulkani  cusub lagu dhisay lacag dhan 43 milyaan oo shilin  kaasi oo kaalin weyn  ka qaadanaya  xoojinta nabadda deegaankaasi .

Dhanka kale xoghayaha maamulka wasaaradda dowladda wadaajinta ee dalka  Abdul Bahari ayaa sheegay in dowladda ay ka go’aan tahay in ay mashaaric horumarineed ay halkaasi ka fuliso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *