Dhaqaatiirta iyo Shaqaalaha Caafimaadka oo kuu baaqayaan in xilka laga qaado ku xigeenka guddomiyaha jaamacadda Nairobi Prof. Stephen Kiama.

Dhaqaatiirta shaqa joojinta  ka wadaan jamaacadda Nairobi ayaa waxay manta eedeymo  duusha uu saareen ku xigeenka guddomiyaha jaamacadda Nairobi Prof. Stephen Kiama

Dhaqaatiirtani shaqa joojinta  ka wadaan jamaacadda Nairobi ayaa waxay ku eedeynayaan ku xigeenka guddomiyaha jamaacadda Niarobi  Prof. Stephen Kiama in uu ka gaabiyey in uu xal uu raadiyo  dhibaatooyinka haysta  shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgalan jaamacaddaasi .

Xubnaha ka kala soo jeedaan  uruurka ay ku mideysan shaqaalaha jaamacadda  (UASU) iyo uruurka  ay ku bahoobeen dhaqaatiirta ilkaha  iyo shaqaalaha  caafimaadka ayaa waxay ku baaqeen in xafiiska laga saaro ku xigeenka guddomiyaha jamaacadda Niarobi  Prof. Stephen Kiama  madaam uu ku guul dareystay  dhaqan gelinta heshiiskii kusabsan lacagaha gunooyinka ee dhaqaatiirta . 

Shaqa joojinta dhaqaatiirtani ayaa waxay saameysay ardeyda  bartaan maadooyinka caafimaadka kuwaasi oo la doonayey in ay toddobaadkani uu fadhistaan imtixaanaadkooda . 

Uruuradani ayaa waxay ku eedeyeen  Prof Kiama  in uu dhaqaha  ka fareystay  cabashooyinka dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ee jaamaacadda Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *